DAAWO VIDEO: Madaxwayne Erdogan iyo Madaxda Wadamada Islaamka oo ka Nixiyey Yuhuuda iyo Go’aanadii Turkiga

DAAWO VIDEO: Madaxwayne Erdogan iyo Madaxda Wadamada Islaamka oo ka Nixiyey Yuhuuda iyo Go’aanadii Turkiga

daajis.com:- Magaalada Istanbul ee Turkiga waxaa ka furmay shir madaxeedka waddamada Islaamka oo ay kaga hadleen jawaabta ay ka bixinayaan go’aankii dhowaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimaddda Israa’iil.


Madaxweynaha Turkiga Erdogan si cad madaxda islaamka ugu sheegay in magalada Alle uu barakeeyay ee Qudus ay tahay ayna ahaan doonto caasimada Falastiin, Waxeyna madaxda islaamka oo dhan isku raaceen in Qudus dhinaceeda Bari ay tahay Caasimadda Falastiin.

“Waxaan hortiina ka cadeynayaa in Trump iyo Mareykanka ay faraha kala baxaan arimaha Qudus. Waa digniin aan u direeyno,  “Qudus waa caasimada islaamka iyo walaalaha Falastiin, wallahi baan ku dhaartay cadaab ayaan ku muteysan karnaa hadii Yahuuda ay Qudus u noqoto caasimadooda” Hadalkaan waxaa hoolka shirka ka jeediyay Erdogan oo ah Gudoomiyaha ururka madaxda islaamka sanadka 2017-2018

Madaxweynaha Erdogan ayaa hogaamiyaasha islaamka hortooda ka sheegay in Yahuuda ay yihiin maamul goboleed argagixiso ah “Waxa ay isku dayayaan in ay dhacaan caasimada islaamka, waxey maalgaliyaan Daacish si wadamada islaamka uga dhigaan meel burbursan, “Waa argagixiso Israel, ma ahan maamul lala hashiin karo. Waxaan idinku dhiiro galinayaa in xiriirka loo jaro hadii arinta sidan ay ku socoto”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada