Degdeg: Maxkamada Gobolka Banaadir oo go’aan kasoo gaadhay eedayntii loo Haystay C.raxmaan C/shakuur

Degdeg: Maxkamada Gobolka Banaadir oo go’aan kasoo gaadhay eedayntii loo Haystay C.raxmaan C/shakuur

daajis.com:- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goor dhow ku dhawaaqday in xoriyadiisa dib loogu soo celiyay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii ay maanta fadhi ka yeelatay dhageysiga dacwada loo heystay.

Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ku horkeeni weyday caddeymo rasmi ah muddo 24 saac loo siiyay, waxaana ay ku guuldareystay dalabka ah in muddo 5 cisho la siiyo, si ay baaritaanka u sii dhameystirto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda, kaddib markii uu akhriyay dhamaan waraaqadihii loo keeno iyo qodobo ka mid ahaa xeerka ciqaabka Soomaaliyeed, waxaana uu caddeeyay in aan wax dambi ah loo heysan.


Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in aan ogolaansho Maxkamadeed lagu soo xirin C/raxmaan C/shakuur, isla markaana xarigiisa ahaa mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Intaas kaddib ayaa waxaa goobta is qabsaday sawaxan iyo sacab, dadkii goobta ku sugnaa ay mar qura isla heleen, waxaana loogu hambalyeynayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur xoriyadii ay dib ugu soo celisay Maxkamadda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada