Ciidamada PSF ee Puntland oo sheegay inay 20 ka dileen Al-Shabaab

Ciidamada PSF ee Puntland oo sheegay inay 20 ka dileen Al-Shabaab

daajis.com:- War kasoo baxay ciidanka Amniga ee Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa lagu sheegay in ay qaadeen hawlgalo culus oo ka dhan ah kooxda taabacsan al-Shaaab ee ku sugan buuraha calmadow.

PSF ayaa sheegtey in ay al-Shabaab ka dileen 20 xubnood iyagana laba askeri ay uga geeriyoodeen maalintii shalay miinada dhulka.

Warka ka soo baxay PSF ayaa lagu yiri  “Ciidanka Aminiga Puntland (PSF) oo maalmahan hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka waday Buuraleyda deegaanada #Madarshoon, Karin Xagarood iyo #Mariidle ee Buuraha #Cal Madow oo saldhigyo ay ku dhuumaalaystaan ay ku leeyihiin Al Shabaab, ayaa waxay ciidanka PSF ku dileen hawlgalladan in ka badan 20 ka tirsan argagixisada Al Shabaab.”
Warka ka soo baxay taliska PSF ayaa lagu sheegay in ay sii wadayaan hawlgalada ka dhanka ah al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada