Madaxa Xukuumadda Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxa Xukuumadda Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

daajis.com:-  Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumadda Galmudug, ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah Xarakada Al Shabaab, si looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug oo Khamiistii Magaalada Dhuusamareeb kaga qaybgalay kulan lagu soo dhaweynayay heshiiskii Ahlu Sunna & Galmudug, ayaa ka sheegay in loo baahan yahay in dagaal lala galo Al Shabaab.

“Maanta laga bilaabo waa inaan u istaagnaa sidaan u difaacan lahayn dalka, sidaan u difaaci lahayn dadkeena, sidaan horey ugu difaacnay diinteena, dadkeena, duunyadeena iyo deegaanka inaan sii laba laabno ayaa nalaga rabaa.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Sheekh Maxamed Shaakir, ayaa bulshada ku dhaqan Gobolada Dhexe ugu yeeray in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, si aanay Shabaabku ugu raaxeysan deegaanada ay ka jooggan goboladaasi.
“Aan u midowno maanta walaalaha ay dhibaatada dulsaaran tahay inaan ka qaadno, inaan walaalaheyna soo dhaweyno, inaan gacmaha is qabsano, in meel kasta oo naga mid ah waa inaanu Shabaab ku raaxeysan, waa inaanay shacabkeena kor saarnaanin, waa inaan ka qaadnaa oo ka wareejinaa.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada