Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyaha Milateriga oo furay waddooyinkii xirmay ee Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyaha Milateriga oo furay waddooyinkii xirmay ee Gaalkacyo

daajis.com:- Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Taliyaha Milateriga C/wali Jaamac Gorod iyo Taliyaha Ciidamada Puntland Saciid Dheere ayaa saaka ka bilaabay magaalada Gaalkacyo furitaanka waddooyinkii ku xirmay dagaalada.

Ololaha wado furista ayaa ka dhashay Gogol nabadeed oo uu fidiyay Taliyaha Milateriga Jen. Gorod, kaasoo shalay ka furmay magaalada Gaalkacyo, waxaan ujeedka gogoshan nabadeed uu ahaa sidii dib u heshiisiin dhab ah u dhex mari laheyd bulshada wada degta Gaalkacyo oo dhowr jeer oo hore dagaalo soo noq-noqday u dhex maray.

Jid furida ayaa ka bilowday dhanka Koofur ee magaalada Gaalkacyo, halkaasoo laga qaaday dhagxaan wadada lagu gooyay

Waddooyinka saaka la furayo ayaa waxaa ka mid ah wadada isku xirta labada dhinac ee magaalada iyo kuwo kale oo lagu gooyay dhagxaan, isla markaana ka mid aheyd aagagii lagu dagaalamay.

Taliyaha Ciidamada Milateriga Jen. Gorod ayaa sheegay in waddooyinka la furay ay bilow u noqon doonaan is dhex galka bulshada wada degan magaalada, waxaana uu rajo ka muujiyay in xaalada nabadgelyo ee magaalada ay noqoto mid horseeda horumar iyo barwaaqo.

Maleeshiyaad kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo ugu dhex maray magaalada Gaalkacyo, waxaana dagaaladan ay salka ku hayeen muran dhul iyo arrimo kale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada