Muqdisho oo goordhow marti galineysa banaanbaxyo looga soo horjeedo Go’aanka Trump ee Qudus

Muqdisho oo goordhow marti galineysa banaanbaxyo looga soo horjeedo Go’aanka Trump ee Qudus

daajis.com:- Waxaa lagu wadaa in maanta Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan banaanbaxyo ka dhan ah Go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Caasimada Israel uga dhigay magaalada barakeysan ee Qudus.

Banaanbaxan oo ay abaabuleen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada ayaa dhici doona maanta oo Jimco ah, waxaana ka qeybqaadan doona Mas’uuliyiin, Culimo iyo Kumanaan dadweyne ah.

Banaanbax ayaa waxaa looga soo horjeeda go’aankii uu Madaxweynaha Mareykanka ugu aqoonsaday Magaalada Qudus inay tahay Caasimadda Israel taa oo gilgishay quluubta dadka Muslimka ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadii amray in Safaaradda Mareykanka laga raro magaalada Tel Aviv, loona wareejiyo magaalada Qudus, taas oo ka careysiisay dunida Muslimka.

Magaalooyin ka tirsan Falastiin ayaa waxaa ka socda Banaanbaxyo looga soo horjeedo go’aankaas oo ay dhigayaan shacabka reer Falastiin, waxaana barbar socda goobo farabadan oo ay gubayaan dadka careysan.

Dowlada Somalia ayaa saacado ka hor soo saartay Bayaan ay ku muujineyso sida ay kaga xun tahay tallaabada Qudus loogu xallaaleynayo Maamulka Yahuudda, iyadoo Muslimiin kalena ay qorsheynayan inay cadeeyan mowqifkooda.
Si kastaba ha ahaatee, Culimada Soomaaliyeed ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay inay maanta isugu soo baxaan goob kastaa oo ay isugu imaan karaan, si ay ugu muujiyan dareenkooda ku aadan xiisadda Qudus.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada