MUUQAAL: Diyaaradii Somali Airline oo Wakhti dheer Kadib, Dib loo Howl-gelin Doono iyo DF-Soomaliya oo shaacisay

MUUQAAL: Diyaaradii Somali Airline oo Wakhti dheer Kadib, Dib loo Howl-gelin Doono iyo DF-Soomaliya oo shaacisay

daajis.com:- Wasiirka duulista hawaada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaal ay Wasaaraddu wado, kuwaasi oo dib loogu soo celinayo adeegyo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.


Omaar ayaa sheegay inay haatan wadaan qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii Shirkadii Soomaali Airline oo ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaasi oo horey u socday islamarkaana uu meel fiican marayo, isagoo xusay in daraasaad ay sameeyeen ku ogaadeen qaabka ay u shaqeeyaan diyaaradaha watay calamada dowladaha, dhawaana ay si rasmi ah u soo celin doonaan adeegyadii ay bixin jirtay shirkadii Soomaali Airline.

“Garoonka diyaaradaha Muqdisho waa garoon caalami ah, hadda waxaa ku soo dega duulimaadyo caalami ah sida Turkish Airline iyo Jabuuti, Sidoo kale Kenya Airways ayaa la filayaya in ay dhawaan duulimaadkeeda Muqdisho bilowdo, wuuna socda qorshahaasi” ayuu yidhi Wasiir Oomaar.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada