Nin ka shaqeeya gawaaridda gurmadka degdegga ah fuliya oo looga shakiyay in uu dad dilay

daajis.com:-  Booliiska jasiiradda Sicily ee dalka Talyaaniga ayaa xiray nin ka shaqeeya ambalaas ama gawaaridda gurmadka degdegga ah fuliya oo looga shakiyay in uu dad dilay, arrintaasna lacago kaga qaatay goob naxashyada lagu gado oo lala xiriiriyay burcad.

Waxaa la sheegay in uu hawo kaga duray xididda ugu yaraan saddex ruux oo qaba xanuunno aan la dawayn karin oo guryahooda dib loogu celinayay.
Waxaa la sheegay in mayd kaste lagu siiyay 265 giniga istarliinka ah.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa ugu yeeray fadeexadda "abmalaasta geerida"
Booliiska ayaa ninkan xiray ka dib markii uu soo wargaliyay nin sheegay in uu yahay burcad soo hanuunay, wuxuuna faahfaahinta siiyay maamulka magaalada Catania iyo barnaamij dabogal sameeya oo telefishin ka baxa.

Ninkan ambalaasta ka shaqeeya ayaa lagu soo oogay dacwado dil la xiriira.
Ninkan oo 42 jir ah ayaa sheegay in uu ka faa'iidaystay ehellada dadkaas oo aad u murugaysnaa uuna kula taliyay xarun ka shaqaysa arrimaha xabaalaha oo lala xiriiriyay burcadda Sicilian mafia kuwaas oo lacag ka siin jiray dadka uu ku soo xiro.

Booliiska jasiiradda Sicily ee dalka Talyaaniga ayaa xiray nin ka shaqeeya ambalaas ama gawaaridda gurmadka degdegga ah fuliya oo looga shakiyay in uu dad dilay, arrintaasna lacago kaga qaatay goob naxashyada lagu gado oo lala xiriiriyay burcad.

Waxaa la sheegay in uu hawo kaga duray xididda ugu yaraan saddex ruux oo qaba xanuunno aan la dawayn karin oo guryahooda dib loogu celinayay.
Waxaa la sheegay in mayd kaste lagu siiyay 265 giniga istarliinka ah.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa ugu yeeray fadeexadda "abmalaasta geerida"
Booliiska ayaa ninkan xiray ka dib markii uu soo wargaliyay nin sheegay in uu yahay burcad soo hanuunay, wuxuuna faahfaahinta siiyay maamulka magaalada Catania iyo barnaamij dabogal sameeya oo telefishin ka baxa.
Ninkan ambalaasta ka shaqeeya ayaa lagu soo oogay dacwado dil la xiriira.

Ninkan oo 42 jir ah ayaa sheegay in uu ka faa'iidaystay ehellada dadkaas oo aad u murugaysnaa uuna kula taliyay xarun ka shaqaysa arrimaha xabaalaha oo lala xiriiriyay burcadda Sicilian mafia kuwaas oo lacag ka siin jiray dadka uu ku soo xiro.
bbc FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget

share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada