Sucuudiga oo isku deyaya in la Baabi’iyo xadka ka noqoshada Diinta Islaamka!

Sucuudiga oo isku deyaya in la Baabi’iyo xadka ka noqoshada Diinta Islaamka!

daajis.com:-   Xarunta la dagaalanka Fikirka xagjirnimada oo hoostagta wasaaradda gaashaandhigga ee Sucuudiga ayaa ku baaqday in la qabanayo dood cilmiyeed isugu jirta dhinacyada Fiq-higa iyo Fahamka, taas oo ku saabsan sidii meesha looga saari lahaa xadka Islaamku u  jideeyey qofkii ka baxa ama ka noqda Diinta Islaamka, kaas oo ah dil kaddib marka qofka ka noqday Diinta Islaamku si ku talagal ah u diido in uu ku soo noqdo Diinta Islaamka.



Baaqa Xaruntan la dagaalanka Fikirka xagjirnimada ayaa muran iyo falcelin weyn ka dhex aloosay muwaadiniinta Sucuudiga, iyada oo ay jiraan dad si adag u dhalleeceeyey iyoo kuwo taageersan soo bandhigidda aragtidan.
Boggeeda  rasmiga ah Twitter-ka ayay xarunta ku shaacisay dhowr qoraal oo taxane ah in uusan jirin ama uusan sugnayn in Nabi Maxamed uu dilay qof ka laabtay Islaamka (Murtad), sidaas oo kalana aan la heleyn wax ay isku raaceen aqoon yahanka Islaamka oo ku saabsan arrintan oo ah mid la xiriirta dhanka Sharciga.


Xarunta la dagaalanka Fikirka xagjirnimada ee raacsan Wasaaradda DIcaafa ee Sucuudiga ayaa sheegtay in fahamka guud ee caanka ah ee laga qaatay xaddiiska (“من بدل دينه فاقتلوه“), uu yahay mid ay ku talaxtageen ballaarintiisa iyo macno- u raadintiisaba dad qaba aragtida xagjirka ah oo sida lagu sheegay qoraalka xarunta gaaleysiiya qof walba oo ka hor yimaada aragtidooda.

BBCarabic; ayaa daabacday warkan iyada oo soo xiganeysa Xarunta la dagaalanka Fikirka xagjirnimada ee raacsan Wasaaradda DIcaafa ee Sucuudiga.
Xarunta la dagaalanka Fikirka xagjirnimada ee raacsan Wasaaradda DIcaafa ee Sucuudiga ayaa isku deyeysa in ay fahamka Xadiiskan u sameyso macno kale oo ah in loola jeedo ereyga qofkii Beddela:- “Qofkii sida Rabbi wax u jideeyey leexiya oo si kale u sameeya ama isku daya n uu sharciyeeyo wax ka dhan ah sida Alle u sharciyeeyey”

Inkasta oo ay jiraan madax ka tirsan boqortooyada Sucuudiga oo aad uga walaacsan arrintan cusub haddana waxa jira Isbeddel weyn oo ku socda habka Boqortooyadu u dhaqanto, iyada oo hoggaanka Sucuudigu isku deyayo in uu ka  guuro maalgelinta aragtda Wahaabiga oo ay ku sheegeen in ay tahay mid aad u qallafsan.

Xigasho: BBCarabic

http://www.bbc.com/arabic/live/42279764?ns_mchannel=social&ns_source=facebook&ns_campaign=bbc_live&ns_linkname=5a2a6105e4b0aff806a0b5a1%26مبادرة%20سعودية%20لنقاش%20حول%20إسقاط%20حد%20الردة%20في%20الإسلام%26&ns_fee=0#post_5a2a6105e4b0aff806a0b5a1

مركزٌ عالمي يتبع وزارةَ الدفاع بالمملكة العربية السعودية

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada