Tarsan oo weerar ku qaaday xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah DF

Tarsan oo weerar ku qaaday xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah DF

daajis.com:- Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo ah la-taliyaha dhanka arrimaha siyaasada Madaxweynaha Somalia, ayaa si kulul uga hadlay faragalin uu sheegay in Xildhibaanada BFS ku hayaan howlaha Qaranka.

Tarzan, waxa uu sheegay in Xildhibaanada BFS ay u muuqdaan kuwo aan xaqiiqdii garaneynin shaqooyinka loo igmaday, waxa uuna tilmaamay inay yihiin kuwo u shaqeeya si cagsi ah.

Tarzan, waxa uu carab dhabay inaanujirin sharci dhigaaya in Xildhibaano matalaaya Shacabka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo is hortaagaya Qaranimada Somalia, isagoo tusaale usoo qaatay ficilada Xildhibaano iyo Siyaasiyiin dhowr ah.

Tarzan, waxa uu cadeeyay in taariikhda ay gali doonto ficilada xunxun oo ay wadaan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta qaar oo uu sheegay inay lid ku yihiin isbedelada ka socda dalka, balse waxa uu taabedelkeeda ku nuuxnuuxsaday inaanu ficiladaasi saameyn doonin Qaranimada Somalia.

Xildhibaanada qaar ayuu ku eedeeyay inay sharaf moodaan inay cabsi galiyaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta isku baheysanaaya burburinta Qaranka ayuu sheegay inay yihiin kuwo si bareera ugu midoobay Ganacsi Siyaasadeed, balse waxa uu ka jawaabida ficiladaasi u daayay Shacbiga Soomaaliyeed ee isbedelka usoo bidhaamay.

Nuqul kamid ah haddalka Tarzan ayaa ahaa “Wakhtiga Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha boqolkiiba sagaashan waxaa qaata xildhibaanada baarlamaanka halkii ay fursad ugu heli lahaayeen inay bulshada u adeegaan’’.

“Waxaan qirayaa in xildhibaanada baarlamaanka shaqadii loo doortay aysan heyn oo ay faraha kula jiraan ganacsi siyaasadeed oo dal dumis ah’’

‘’Waxaa iga su’aal ah Xildhibaanada miyeysan garan waajibaadkooda, waxa ay isku khaldeen difaaca Qaranka iyo burburinta Qaranka, arrintaan waxaa ka jawaabi doona shacabka ay sheegen inay matalaan haddii matalaadooda ay dhibaateynta Qaranka tahay’’

Sidoo kale, waxa uu Mr Tarzan sheegay inaanu Somalia ka dhaqan gali doonin xad gudub Siyaasadeed iyo in la argagax galiyo Qaranimada Somalia xiligaan oo uu dalka ku talaabay isbedel.

Dhinaca kale, Tarzan ayaa sheegay in argagax ay Xildhibaanada ku hayaan Madaxda Qaranka uu yahay in marwalba ay ugu hanjabaan inay mooshin ka keenayaan haddii aysan ka helin danaha ay ka doonayeen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada