Xaaf oo Farmaajo ka dalbaday ka dhabeynta hal arrin oo uu ku taamaayo

Xaaf oo Farmaajo ka dalbaday ka dhabeynta hal arrin oo uu ku taamaayo

daajis.com:-  Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), oo ka hadlaayay isbedelada ka jira dalka, ayaa sheegay in DFS ay wado talaabooyin hormarineed oo dib loogu soo celinaayo ilaha dhaqaale ee uu leeyahay dalka.

Xaaf waxa uu sheegay in mudada ay jirto dowlada Federaalka ay la imaaday waxqabad wanaagsan, waxa uuna tusaale usoo qaatay dib usoo celinta maamulka Hawada Somalia.

Xaaf waxa uu Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo uga mahad celiyay dadaalka uu kusoo celiyay Hawada Somalia, balse waxa uu taa bedelkeeda Farmaajo ka dalbaday inuu arko Diyaarada Somalia oo shaqeyneysa.

‘’Madaxweynaha waa uu ku mahadsan yahay dadaalka uu kusoo celshay maamulka Hawada, waxaa ii harsan inaan Garoonka Aadan Cadde ka raaco Diyaarada  Somali Airlines oo aan ka dego magaalada Cadaado’’

‘’Waxaan ku taamayaa inaan Muqdisho iyo Cadaado ugu kala goosho Somali Airlines, oo aan is leeyahay waa talaabo ka harsan sharafkeena Soomaalinimo’’

Xaaf waxa uu Ganacsatada Soomaaliyeed u jeediyay in ay ka qeyb qaataan sidii bulshada Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa adeegyadii Soomaali Airline.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayuu ku dhiiri galiyay inuu u dhabar adeego dhameystirka inta ka harsan guulihiisa, waxa uuna ku baaqay inuu dib usoo celsho Somali Airline.
Haddalka Xaaf ayaa imaanaya xili Madaxweyne Farmaajo uu daboolka ka qaaday in Seddexda Sano ee harsan ay ku dhameystiri doonaan dadaalada u harsan.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada