War Deg-deg ah; Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Salax oo la diley

War Deg-deg ah; Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Salax oo la diley

daajis.com:- Wararka ka imanaya dalk Yemen ayaa xaqiijiyay dhimashada Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Salax kaasoo lagu diley maanta dagaal xoog leh oo k ahdcay caasimada dalka Yemen.

Xisbiga uu madaxda ka ahaa Cali Cabdalla Saalax ayaa xaqiijiyay geeridiisa sidoo kale waxaa la so bandhigay sawir iyo muuqaal video ah oo laga arkayo meydka Cali Cabdalla.

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa qarxiyay guriga uu ku lahaa Cali Cabdala Salax magaalada Sanca kadib dagaal dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Sanca.
Cali Cabdalla Salax ayaa ku dhowaaqay dhowaan in uu isbahaysi la gelayo gaashaanbuurta ay hogaamiso boqortoyada sacudi carabiya haddii laga qaado go’odoominta Waqooyiga Dalka Yemen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada