Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo rajo ka muujiyay in dowlada Soomaaliya horumariso isla xisaabtanka

Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo rajo ka muujiyay in dowlada Soomaaliya horumariso isla xisaabtanka

daajis.com:- Xoghayaha Gaashaandhigga dowladda Maraykanka Jim Mattis ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in dowlada Soomaaliya hormariso sidii looga gudbi lahaa in la musuqmaasuqo gaarka ay dowlada Maraykanka siiso ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

“Waan hubaa in xal laga gaari karo arrinkan haddii aan dhamaan la wada xalin qeyb kamid ah waa la xali karaa.”ayuu yiri Jim Mattis isagoo la hadlayay weriyaal ku sugan Pentagonka.

Joojinta saadka la siiyo ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa timid kadib markii ay soo if baxday musuqmaasuq lagu sameeyo gargaarka loogu talogalay ciidamada.

“Joojinta saadka waxaa loo sameeyay si loo xaqiijiyo in gargaarka Maraykanka uu bixiyo ay gaarto ciddii loogu talogalay.”ayuu yiri sarkaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda Maraykanka.

“Joojinta Saadka la siin jirey ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa socon doonta inta laga hubinayo in si sax ah loo isticmaalayo gargaarka.”ayuu u sheegay VOA Marion Wohler oo ah afhayeenka arrimaha Afrika ee Wasaarada Gaashaandhigga dowlada Maraykanka.

Hase yeeshee dowlada Soomaaliya ayaa oggolaatay in ay u hogaansanto heerka isla xisaabtanka ee ay dowlada Maraykanka ay dooneyso.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mattis ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyo dhaqanka musuqmaasuqa uu yahay mid waqti dheer qaadanayso, waxana uu ku tilmaamay Madaxweynaha Soomaaliya hogaamiye u qalma in la taageero.

“Waxaan leenahay xiriir wanaagsan Madaxweyne Farmajo iyo maamulkiisa,balse sida aad ka warqabto waxa uu dhaxlay xaalad adag.”ayuu yiri Xoghayaha gaashaandhigga Maraykanka Mattis.
Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa waxa ay  sheegeen in dowlada Maraykanka ay sii wadi doonto gargaarka ay siiso ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya kuwaasoo ay tababar iyo kormeerba ay ku sameeyaan ciidamo Maraykan ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada