Xulka Kubadda cagta Jubbaland oo ku guuleystay Koobka, kadib Markii Ay dhegaha ka tumeen Xulka Puntland

Xulka Kubadda cagta Jubbaland oo ku guuleystay Koobka, kadib Markii Ay dhegaha ka tumeen Xulka Puntland

daajis.com:- Xulka kubadda cagta ee Jubbaland ayaa ku guuleystay Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada, kaddib markii ay ciyaartii Finalka 1-0 uga badisay xulka Puntland oo tartankan ku guuleystay sanadkii hore.

Jubbaland ayaa ka aarsatay Puntland oo sanadkii hore ka qaaday, waxaana maanta ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan oo kubad wanaag ka muuqatay.

Jubbaland ayaa goolka dhalisay daqiiqadii 74aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana markii garsooraha uu ku dhawaaqay seeriga inay dhamaatay ciyaarta ayaa waxaa ciyaartoyda iyo taageerayaashooda ay bilaabeen dabaal deg.
Ciyaartoyda Jubbaland ayaa  la guddoonsiiyey  Koobka ay ku guuleysteen, iyagoo noqday Kooxdii labaad ee Tartanka ku guuleysta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada