Daawo:- Afganistaan Ciidanka oo soo afjaray hotel ay weerareen koox hubeysan (SAWIRRO)

Daawo:- Afganistaan Ciidanka oo soo afjaray hotel ay weerareen koox hubeysan (SAWIRRO)

daajis.com:-Ciidamada gaarka ah ee dowladda Afghanistan ayaa  saaka soo gaba gabeeyay howlgal ay ku galeen Hotel  caan ah oo ay xalay fiidkii galeen Koox hubeysan kuwaas oo qaraxyo iyo rasaas isugu daray dadkii Hotelka ku sugnaa.

Wasaaradda Amniga gudaha Afghanistan ayaa shaacisay in 5 Qof ay dhinteen,lix kalena ay dhaawacmeen,iyada oo Ciidamada amaanka ee Hotelka gurmadka u galay ay badbaadiyeen 150 Qof oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Hotelka.

Hotelka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Intercontinental,waxaana sidan oo lale 2011kii la weeraray ku dhintay 20 Qof,iyada oo markaas ay Dalibaan sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Weerarka xalay ilaa saaka ma jirto ilaa hadda cid sheegatay waxaase  la filayaa in Daalibaan ama Daacish ay midkood sheegtaan.
Weerarkan waxaa uu ku soo aaday iyada oo safaaradda Mareykanka ee Kabul ay digniin u jeedisay Hotellada Kabul in ay la kulmi doonaan weerarro argagixiso.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada