Ciidamada dowladda oo la wareegay aqalka D.hoose ee Muqdisho

Ciidamada dowladda oo la wareegay aqalka D.hoose ee Muqdisho

daajis.com:- Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa la wareegay Goordhow Guud ahaan Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar (Visha Governo).

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa u Xaqiijiyay Mustaqbal in Ciidanka ay hada ku jiraan Gudaha Xarunta, kuna Wareegsan yihiin Daafaheeda.

Xaruntan ayaa waxaa ilaaliya Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kuwaaa oo si sharciyeesan halkaasi kaga howlgalay tan iyo Markii Maamulka Gobolka gacanta ku dhigay Gudoomiye Thaabit Cabdi.

Arintan ayaa daba socota Khilaafka udhexeeya Madaxda Dowladda iyo Duqa Muqdiisho taasoo keentay in Duqa Muqisho loo doortay laba Sano oo danbe Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimada.

Filo wixii soo kordha

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada