Daawo: Maxaa dhexmaray Gudoomiye Yariisow iyo Taabit oo uu Booqday ?

Daawo: Maxaa dhexmaray Gudoomiye Yariisow iyo Taabit oo uu Booqday ?

daajis.com:- Kulankan ayaa ahaa mid lagu soo afjarayay xiisada, isla markaana labada dhinac ay uga xaajoon lahaayeen ka bixida xilliga kala guurka ee uu galay Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa isu mar xabeeyay, waxayna isku afgarteen in munaasabadda xil wareejinta ay u dhacdo si habsami leh. Waxaa kaloo la isla gartay in Taabid Cabdi Maxamed uu dib ugu laabto xarunta Gobolka Banaadir, si uu u diyaariyo xil wareejinta, iyadoo lagu wado inuu magacaabo Guddi Xil wareejin oo dhankiisa ka socda.



Sidoo kale Guddoomiyaha cusub Eng. Yariisow ayaa isna soo magacaabaya Guddi xil wareejin oo diyaariya xaflada xil wareejinta iyo habsami u socodka howlaha xilliga kala guurka.

Xubnaha kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Boostada Eng. Canshuur, Wasiir kuxigeenka Dekedaha Cusmaan daalo, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada