Daawo:Xerada ugu Weyn ee Ciidamada Asluubta oo Maanta Xarigga laga Jaray

Daawo:Xerada ugu Weyn ee Ciidamada Asluubta oo Maanta Xarigga laga Jaray

daajis.com:- Waxaa maanta xarigga laga jaray xaruntii hore ee ciidamada Asluubta oo dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyay taas oo ku taalay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaan Ex kontarool Afgooye.
Munaasabadda xarigga looga jaray xarunta ayaa waxaa goob joog ahaa xildhibaano ka tirsan labada aqal, saraakiil ka tirsan ciidanka Asluubta iyo kuwa xoogga, waxaana xarigga jaray wasiirka cadaalada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji, wuxuuna sheegay in guul ay tahay dib u howgalinta xaruntan.


Wasiirka ayaa amaanay taliska ciidanka Asluubta oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka shaqeynayay sidii loo dayactiri lahaa xaruntan oo burbursaneyd tan iyo markii dagaalada sokeeya ay dalka ka dhaceen.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ka mid ah ciidamada qaranka uu leeyahay, waxaana la aas aasay taariikhdu marka ay aheyd 22-kii Fabraayo sannadka 1970-kii.

Howlaha ugu muhiimsan oo uu qabto ciidanka Asluubta ayaa waxaa ka mid ah dhaqancelinta maxaabiista, waxayna la shaqeeyaan hey’adaha garsoorka dalka.
Xarunta maanta xarigga laga jaray oo ah tan ugu weynayaa waxaa dhistay sannadkii 1974-kii dowladdii Kacaanka ee uu hoggaaminayay Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada