Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Xeraale

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Xeraale

daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafddiga uu hoggaaminayo aya agoordhow ka baxay degaanka Balanballe ee Gobolka Galguduud,halkaas oo ay ku qaabileen maamulka iyo Odayaasha degaanka.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa Balanballe kaddib waxaa uu u sii gudbay degaanka Xeraale halkaas oo uu kaga sii gudbayo Degmada Cabudwaaq.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Balanballe ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in kulan ay la yeesheen Madaxweynaha ay kala hadleen baahiya degaankooda ka jira ee amniga,nolosha iyo dhinacyada kale.

Waxaa uu xusay in booqashada Madaxweynaha ee degaankaas ay iyaga farxad u tahay islamarkaana ay ku faraxsanyihiin inuu Madwxeynaha Soomaaliya booqdo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa maalintii 14aad ku maqan maamullada Puntland iyo Galmudug isaga oo safarkiisa ugu dambeeya sida qorshuhu yahay ku soo gaba gabeeynaya Cabudwaaq inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in uu tagayo magaalada Hobyo ee Mudug.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada