Maxaad ka ogtahay Hoggaamiyayaasha Mucaaridka ah ee madaxweynenimo isu dhaariyay?

Maxaad ka ogtahay Hoggaamiyayaasha Mucaaridka ah ee madaxweynenimo isu dhaariyay?

daajis.com:- Qaaradda Afrika waxaa aad ugu badan fowdada dhinaca siyaasadda ah,waxaana inta badan hoggaamiyayaasha Afrika diidaan in looga guuleystay doorashada madaxtinimada ee ay ka qeybgelaan.

Dalka Kenya 8ddii August iyo 26kii October 2017 waxaa ka dhacay doorasho madaxweyne,waxaana labadaba guuleystay Uhuru Kenyatta inkast oo midda hore Maxkamad laashay,tii dambana mucaaridka diiday ka qeybgalkeeda.

Shalay fagaaraha beerta xorriyadda ee Nairobi waxaa madaxweynenimo isu dhaariyay Raila Odinga oo ah hoggaamiyaya isbaheysiga Mucaaridka ah ee NASA.

Kenya hadda waxaa ay leedahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha dadka Kenya Raila Odinga,inkasta oo ninka dambe uusan sharciyad heysan.
Haddaba hoggaamiyayaash mucaaridka ah ee Afrika islamarkaana iskood isugu dhaariyay madaxtinimada yaa ka mid ah?

1-Nigeriya 1990,waxaa isdhaariyay, Moshood Abiola, kaddib markii uu ka badiyay Sani Abacha,qiyaano qaran ayaa lagu oogay waxaana la xiray 4 Sano.

2-Uganda, Dr Kizza Bisigye,ayaa isu dhaariyay madaxweynaha Uganda kaddib markii doorashadii ugu dambeysay uu uga adkaaday Museveni,waxaana lagu oogay qiyaano qaran isaga oo ilaa hadda xabsi guri ah.

3-DRC Congo, Etienne Tshisekedi, ayaa isu dhaariyay madaxweynaha DRC Congo, kaddib markii doorashadii ugu dambeysay uu uga adkaaday Joseph Kabila,isagana markii dambe xabsi guri ayaa lagu riday.

4-Raila Odinga,ayaa isu dhaariyay madaxweynaha Kenya , kaddib markii doorashadii ugu dambeysay uu uga adkaaday Uhuru Kenyatta,isagana markii dambe xabsi guri ayaa lagu riday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada