MUQDISHO: Laba Diyaaradood oo isku dhacay Garoonka Aadan Cade (Sawirro)

MUQDISHO: Laba Diyaaradood oo isku dhacay Garoonka Aadan Cade (Sawirro)

daajis.com:-  Shil diyaaradeed ayaa ka dhacay gudaha garoonka Diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood oo garoonka taagnaa.

Sida aan Wararka ku helnay diyaarad Midowga Yurub leeyahay oo kusoo degtay garoonka Aadan Cadde ayaa ku dhacday diyaarad kale oo garoonka taagneed oo rakaab ka qaadeysay.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Diyaarada Midowga Yurub u kireesan oo dooneysay in goob barkin ah gasho ku dhacday waxyeelana gaarsiisay diyaarad kuwa gudaha Soomaaliya u safra ah .
Shilkan ayaan dhalin wax khasaaro ah marka laga reebo waxyeelo soo gaartay labada diyaaradood ee isku dhacay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Garoonka oo ku aadan shilkan diyaaradeed .






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada