MUUQAAL: Heshiiskii Lagu Mideeyay Galmudug iyo Ahlusuna, Khudbadihii Laga Jeediyey iyo Siduu u dhacay

MUUQAAL: Heshiiskii Lagu Mideeyay Galmudug iyo Ahlusuna, Khudbadihii Laga Jeediyey iyo Siduu u dhacay

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galayey munaasabad ku saabsan dhaqan gelinta heshiiska Galmudug iyo Ahlusunah, isagoona sidoo kale bogaadiyey biseylka siyaasadeed iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

“Maanta waa maalin reer Galmudug ay ka baxayaan kala qeybsanaanta iyo colaadaha ka jirta gobolladan. Waa guul u soo hoyatay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta qiimaha badan ee dhisitaanka iyo marti gelinta Dowlad Goboleedka Galmudug ay ka qaateen shacabka iyo wax-garadka magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar ah u ahayd. “ Heshiiskan waa bilow wanaagsan, waxaase waajib ah in cid kasta laga qanciyo tabashadooda, heshiiskana horay loo sii amba qaado. Bulshada Galmudug maanta ma xamili karaan in ay isugu darsamaan culeys dhanka nolasha ah iyo mid colaadeed.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.


Munaasabaddaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating, danjireyaasha wadama Jabuuti iyo Kenya, Wakiillada Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada