Ninkii Trump buugga ka qoray oo Congress-ka u Cadeeyey Xaqiiqda Shikhsiyada Trump

Ninkii Trump buugga ka qoray oo Congress-ka u Cadeeyey Xaqiiqda Shikhsiyada Trump

daajis.com:- Wargeyska New York Times ayaa ku waramay in madaxii hore ee istiraatijiyadda Madaxweyne Trump, Steve Bannon, lagu amray in uu ka hor marag furo guddi aqalka Congress-ka ah oo baadhaysa eedaha ah in Ruushku faro geliyey doorashadii madaxtooyada ee Maraykanka iyo in kale.

Af-hayeen u hadlay Robert Mueller, oo ah ninka wada baadhitaankaas ayaa ka gaabsaday inuu warkaa wax ka yidhaa. Hadii se la xaqiijiyo waxay noqon doontaa markii ugu horaysay ee Mueller adeegsaday guddida Congress-ka si uu xog uga helo xubin ka mid ah kuwa ugu dhaw dhaw Trump.

Wariyeyaasha ayaa sheegay in ay arintaas astaan u tahay in baadhitaanka Mueller soo xoogaysanayo.

Warkaa wargeysku baahiyey ayaa soo baxay iyadoo la ogsoonyahay in uu hore Bannon xog u siiyey gudida aqalka Congress-ka ka tirsan ee isla eedahaa baadhaya.

Trump iyo Banan ayaa isa seegoodu dibadda u soo baxay bishan horaanteedii ka dib markii waraysi lagala yeeshay Bannon book fadeexadaynaya Trump iyo sida uu uga taliyo Aqalka Cad oo uu dhawaan qoray.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada