Daawo Sawirada:- Madaxweyne Farmaajo oo Furay Shirka Golaha Amniga Qaran.

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Farmaajo oo Furay Shirka Golaha Amniga Qaran.

daajis.com:- Shirkaan oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa qorshuhu yahay in berri lasoo gaba-gabeeyo, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Saraakiisha Ciidamada, La taliyaasha Madaxda Dowladda iyo xubno kale.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu faah-faahiyey furmashada Shirka Golaha Amniga ee Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, waxa uuna u qornaa:-



Muqdisho, 06 Febraayo 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka Golaha Amniga Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka guddoominayey qodobbada looga hadli doonana waxaa ka mid ah, xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo noqonaya midkii 6-aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay, ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo muhiim ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida oo ka mid ah Golaha Amniga Qaranka ayaa shirka ka qeybgalay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada