Dowladda Holland ayaa danjiraheeda kala baxday Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga,waxaana sidoo kale dowladda Turkiga ku dhawaaqday in ay hakisay xiriirkii Holand. Ra’isalwasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag,ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay u baahan tahay in ay Holand raalli gelin ka bixiso gef dhinaca diblmaasiyadda ah oo ay sanadkii hore ka gashay iyada oo xiriirka labada dal uu xumaa tan iyo March 2017kii. Sanadkii 2017kii Diyaarad sidday Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu,ayaa loo diiday in ay ka degto Holan iyada oo xilligaas ay socotay ololaha doorashada madaxweynaha Turkiga oo doonayay in uu muddo xileedka kordhisto. Dowladda Holand oo diiddan muddo kororsiga Erdogan ayaa dadka Turkiga ah ee deggan Holand ugu baaqday in aysan u codeyn Erdogan ee ay ka codeeyaan,taas oo xumeysay xiriirka labada dal.

daajis.com:- Dowladda Holland ayaa danjiraheeda kala baxday  Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga,waxaana sidoo kale dowladda Turkiga ku dhawaaqday in ay hakisay xiriirkii Holand.

Ra’isalwasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag,ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay u baahan tahay in ay Holand raalli gelin ka bixiso gef dhinaca diblmaasiyadda ah oo ay sanadkii hore ka gashay iyada oo xiriirka labada dal uu xumaa tan iyo March 2017kii.

Sanadkii 2017kii Diyaarad sidday Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga  Mevlut Cavusoglu,ayaa loo diiday in ay ka degto Holan iyada oo xilligaas ay socotay ololaha doorashada madaxweynaha Turkiga oo doonayay in uu muddo xileedka kordhisto.

Dowladda Holand oo diiddan muddo kororsiga Erdogan ayaa dadka Turkiga ah ee deggan Holand ugu baaqday in aysan u codeyn Erdogan ee ay ka  codeeyaan,taas oo xumeysay xiriirka labada dal.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget

share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada