Maleeshiyo taabacsan Xildhibaan Axmed Taajir oo xiratay qaar ka mida Wadooyinka Kismaayo

Maleeshiyo taabacsan Xildhibaan Axmed Taajir oo xiratay qaar ka mida Wadooyinka Kismaayo

daajis.com:- Ciidamo gadoodsan oo ka careysan xariga Xildhibaan Axmed Taajir ayaa lagu soo warramayaa inay saaka fuuleen dabaqa Fiat oo ku yaala ka soo horjeedka xarunta taliska ciidamada nabad sugidda Jubaland halkaasoo uu ku xiranayahay xildhibaanka.

Maleeshiyo taabacsan xildhibaan Axmed Cabdi Xasan (Taajir) ayaa xirtay qaar ka mida wadooyinka magaalada Kismaayo, iyadoo kasoo horjeeda xariga xildhibaanka oo maamulka Jubbaland xasaanadda ka qaaday isla markaana xasbi dhigay.

Xildhibaan Axmed Taajir oo ay Jubaland ku eedeysay maamul dumis ayay ciidamada nabadsugiddu xireen todobaadkii hore, waxaana madaxweyne Axmed Madoobe uu isla markiiba magacaabay Garsooraha maxkamadda Jubaland si xildhibaanka maxkamad loo soo saaro.

Maleeshiyada oo ku hubeysan hub kala duwan ayaa xiisad ka abuuray magaalada Kismaayo, waxayna dalbanayaan in la sii daayo xildhibaan Axmed Taajir oo xarigiisa uu amray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Maleeshiyada taageersan xildhibaanka xiran ayaa goobta ay galeen waxaa ka mida Dhismaha Fiat oo ka soo horjeeda Xarunta Nabad Suggida Magaalada Kismaayo, waxaana magaalada hareeyay xiisad.
Arrintan ayaa soo baxday iyadoo la filayay inuu Axmed Madoobe sii daayo xildhibaan Axmed Taajir kadb codsi ka yimid safiirka UK ee Soomaaliya oo Kismaayo Booqday shalay, waxaana xildhibaanka xiran uu heystaa dhalashada UK.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada