Somaliland oo Xabsiga dhigtay Nin Buug ka qoray Guushii Doorashada Madaxweyne Farmaajo

Somaliland oo Xabsiga dhigtay Nin Buug ka qoray Guushii Doorashada Madaxweyne Farmaajo

daajis.com:- Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidammada sirdoonka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabee Maxamed Kayse Bigeeye oo la sheegay in uu buug ka qorayay madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Eng. Maxamed Keyse oo qoray buugga la magac baxay: “Tusaalaha Guusha” ayay qoyskiisa xaqiijiyeen inuu maalintii saddexaad ku xiran magaalada Hargeysa, iyadoo lagu heysto buugga uu ka qoray madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya inaan weli Buugga la soo bandhigin, laakiin qoraaga yaa bartiisa facebook-ga ku soo bandhigay ogeysiis ah buugga inuu dhameystiray qoristiisa goor dhowna uu soo bandhigi doono balse Ciidamada sirdoonka Somaliland ayaa ka war helay xabsiga dhigay.
Eng. Maxamed Kayse Maxamuud ayaa ah nin dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Hargaysa kana soo jeeda Bariga Burco, waxaana shalay la horgeeyay maxkamada gobolka Maroodi-jeex oo amartay in dib loo dhiggo kiiska dacwadda.


Wararka qaarkood ayaa sheegaya in qoraaga xiriir la lahaa wasiirka wasiirka ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, wuxuuna bartiisa Facebook kusoo banadhiggay sawirro uu ku wehliyo wasiir Maareeye.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada