Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay xiisada ka taagan Beled-xaawo, Baaqna Shacabka ku nool u diray (WARAYSI)

Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay xiisada ka taagan Beled-xaawo, Baaqna Shacabka ku nool u diray (WARAYSI)

daajis.com:- Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay xiisada ka taagan degmada Beledxaawo, ee ka dhalatay darbiga ay Kenya dhiseyso, waxaana uu baaq u diray shacabka ku dhaqan degmadaas, Wuxuuna sheegay in aanay aheyn markii ugu horeysay ee ay Kenya dhul qabsato, balse horay Kenya ugu soo duushay qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in falkan ay Kenya ka wado Beledxaawo uu yahay daan-daansi qaawan, isagoo ku eedeeyay Maamulka Jubbaland inuu raalli ka yahay xadgudubka ay Kenya wado, isagoo intaa ku daray in aysan marnaba Kenya u suura geli doonin inay heysato dhul Soomaaliyeed.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan Beledxaawo inay ka dhiidhiyaan xadgudubka Kenya, gaar ahana dadkii guryahooda la dumiyay, waxaana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin inay kala qeyb qaataan ololaha au wadaan shacabka Beledxaawo ee ay isaga difaacayaan Kenyanka ku soo duulay sida uu yiri.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada