MUUQAAL: Colaadii Shabeelada Hoose oo Lasoo Afjarayo iyo RW. Khayre oo Daah-furay Shirkii Nabadda

MUUQAAL: Colaadii Shabeelada Hoose oo Lasoo Afjarayo iyo RW. Khayre oo Daah-furay Shirkii Nabadda

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay kulanka dib-u-heshiisiinta beelo ay codlaad ku dhexmartay degmada Marka ee Shabeellaha Hoose, waxaana lagu soo bandhigay geeddi-socodka nabadda ee degmada Marka, iyada oo laga soo saaray todobo qodob ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Shirkan oo ay daadihinayso Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxwaynaha Maamulka Koon-fur Galbeed, Xildhibaanada labada Aqal, Dhammaan waxgarad matalaya beelaha wax kala tirsanaya iyo Bulshada degan gobolka Shabeellada Hoose oo taageersan heshiiskan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirkan dib-u-heshiinta ah ee lagu nabaddeenayo walaalaha ay dhibtu kala gaartay, waxuuna tilmaamay in ay shacabka Soomaaliyeed u diyaarsan yihiin nabadaynta dalka iyo in laga heshiiyo waxkasta oo laga dhexalay bur-burkii dawladnimo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa faray Odayaasha dhaqan, Siyasiinta iyo bulshada ka soo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose in ay meel uga soo wada jeestaan nabadaynta maanta ka bilaamatay gobolkooda, kuna dadaalaan meel-mirinteeda, waxuuna u mahed-celiyay cid walba oo ka qayb qaadatay dib-u-heshiisiintan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada