DAAWO: Nin isku toogtay afaafka hore ee Aqalka Cad ee Maraykanka

DAAWO: Nin isku toogtay afaafka hore ee Aqalka Cad ee Maraykanka

daajis.com:- Sida ay saxaafada u xaqiijiyeen Sirdoonka dalka Maraykanka nin ayaa u soo dhowaaday darbiga Aqalka Cad gaar ahaan wadada Pennsylvania kahor duhurnimadii maanta xilliga Washington waxana uu ninkan soo baxsaday qori isagoo madaxa isaga dhuftay dhowr xabadood.

Falkan ayaa dhacay iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka maqnaa Aqalka Cad isagoo nasasho u aaday Mar-a-Lago Florida.

Ninkan isu hortoogtay aqalka cad ee Maraykanka oo ujeedadiisa aan la garan ayaa la sheegay dad badan ay ku sugnaayeen meel aan ka fogeyn waxaana halkaas ka dhacay kala carar iyo jahawareer.

Aqalka Cad ee Maraykanka oo ah Madaxtooyada loogaga taliyo wadankaas ayaa waxaa hore uga dhacay falal la xiriira amniga dhowrkii sano ee la soo dhaafay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada