Sawirro: Turkiga oo DFS ku wareejiyay Darees ciidan oo aan horay loo arag (Suuragal matahay in al-Shabaab uu gaaro?)

Sawirro: Turkiga oo DFS ku wareejiyay Darees ciidan oo aan horay loo arag (Suuragal matahay in al-Shabaab uu gaaro?)

daajis.com:- Dowlada Turkiga ayaa Taliska ciidamada xoogga ku wareejisay Darees ciidan oo noociisa aysan horay u isticmaalin ciidamada Somalia.

Dareeska ayaa waxaa lagu wareejiyay Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka oo ooga fadhiyo maareynta Dareeska cusub.

Saraakiisha ciidamada Xoogga ayaa Dareeska ka gudoomay saraakiil kale oo ka socotay Wasaarada Gaashaandhiga dalkaasi Turkiga oo iminka howlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho.

Dareeska lagu wareejiyay Taliska ciidamada Xoogga ayaa  isugu jira dhar, kabo iyo dhamaan agabka loo isticmaalo dareeska.

Dareeska ayaa waxaa si gaara loogu tallo galay inay isticmaalaan ciidanka Badda iyo kuwa Cirka ee dowlada Somalia.

Taliska ciidamada Xoogga, gaar ahaan Abaanduulaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga sida ay u garab taagantahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, waxaa aad looga cabsi qabaa in Dareeskaas uu galo gacanta maleeshiyaadka al-Shabaab iyadoo la adeegsanaayo isla Saraakiil ciidan oo ka tirsan Taliska.

Al-Shabaab ayaa si sahlan ku hela darees waliba oo loogu deeqo ciidamada dowlada, kuwaa oo helitaan kadib ay ku fuliyaan Ismiidaamin iyo weeraro toosa oo ay ku qaadan xarumaha dowlada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada