Madaxweynayaasha Turkiga Iyo Ruushka Oo Kawada Hadlay Duqeyntii Suuriya

Madaxweynayaasha Turkiga Iyo Ruushka Oo Kawada Hadlay Duqeyntii Suuriya

daajis.com:- Madaxweynaha Turkiga Recep Deyyip Erdogan ayaa dhiggiisa Ruushka Vladmir Putin kula hadlay qadka telefoonka, waxayna kawada hadleen duqeynta Mareykanka, Faransiiska iyo UK ay ka geysteen gudaha Suuriya ayna uga soo horjeedeen nidaamka Bishaar AL-asad.

Labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in la dajiyo xaaladda kacsan ee gobolka, beesha caalamkana ay iska kaashato sidii loo  xallin lahaa Khilaafka Suuriya.

Sabtidii ayey aheyd markii ay sheegeen Mareykanka, Faransiiska iyo UK in duqeyn saddex geesood ah ay la beegsadeen saldhigyo Millatari oo ay lahaayeen ciidamada Suuriya, waxay tilmaameen in ay jawaab u tahay weerarkii Kiimikada uu Nidaamka Suuriya uu ku garaacay magaalada Douma ayna ku dhinteen dad badan oo Shacab ah.

Goobjoog News



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada