Sacuudiga Iyo Imaaraadka Oo Saldhig Milatari Iyo Qashin Qubka Nuclear-ka Ka Dhisaya Xadka Qatar

Sacuudiga Iyo Imaaraadka Oo Saldhig Milatari Iyo Qashin Qubka Nuclear-ka Ka Dhisaya Xadka Qatar

daajis.com:- Dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa in inuu xadkiisa dhanka Qatar ka dhiso saldhig milatari iyo goob lagu shubo qashinka  ama haraadiga nuclear-ka, mashruucan ayaa qeyb ka ah qorshaha dalka Qatar looga dhigi rabo jaziirad ka go’an dalka Sacuudiga. Sidaasi waxaa lagu daabacay wargeyska Riyadh.

Dalka Sacuudiga ayaa xadka uu la wadaago Qatar ka qodi-doonna Kanaal-ka Salwa, kaas oo dhirirkiisu lagu sheegay 60 kilometer (37.5 mile) iyo ballac ah 200 meter iyo moolka oo gaaraya 20 meter. Mashruucan oo ay ku baxeyso 2.8 billion riyal ($750 million) ayaa lagu soo gabagabeyn-doonaa 12 bil gudahood.

Kanaalkan salwa waxaa fulin-doona  ama qodi-doona shirkado Masaari ah, waxaa lacagta bixinaya ganacsato u dhalatay Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Dhinaca kale isla Jariidadda Riyadh waxaa ay sheegeysaa inuu jiro mashruuc kale oo Imaaraadka ay goob qashinka nuclear-ka lagu shubo uga dhiseyo meel u dhow xadka Qatar.

Tillaabadan Sacuudiga iyo Imaaraadka waxaa ay sii fogeyneysaa xiriirka xumaa ee Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah iyo Qatar, waxaa kale oo ay dab u shideysaa xiisadda Khaliijka.

Qatar oo ah dal yar, dadkiisana tiro ahaan lagu qiyaasay 2.57 million, waxaa go’doomiyay dalalka Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka iyo Masar.
Go’doomintan oo bilaabatay June sanadkii tagay ayaan laga ogeyn halka ay caga-dhigan-doonto, waxaana muuqata in Sacuudiga aanu damac uga jirin heshiis.

Goobjoog News

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada