Xuutiyiinta Yeman oo taageeray dowladda Somalia una digay Imaaraadka Carabta

Xuutiyiinta Yeman oo taageeray dowladda Somalia una digay Imaaraadka Carabta

daajis.com:- Hogaamiyaha Kacaanka ururka Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yeman Maxamed Cali Al-Xuuti  kana tirsan shaqsiyaadkii aas-aasay Ururkaasi ayaa waxa uu taageero u muujiyay Dowladda Federalka Soomaaliya isagoo ka soo horjeestay siyaadda Imaaraadka Carabta ee arimaha Soomaaliya.

“Waxaan ku dhawaaqeynaa taageerada aan u heyno walaalaheena Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale cambaareyneynaa ficil walbo oo Imaaradku ku hayo Soomaaliya” ayuu yiri Maxamed Al-xuuti.

Maxamed Al-xuuti ayaa sidoo kale hadalo adag u isticmaalay sida uu kaga soo horjeedo gabi ahaanba siyaasadda Imaaradka Carabta waxaana uu yiri”  dhamaan Imaaradku waa in doqonimadoodu ay kala tagaan dalka Soomaaliya inteey goori goor tahay, waxeey cashir lama ilaawaan ah u dhigeen dowladda Mareykanka ee ku cibri qaata” sidaas ayuu ku yiri hadal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Maxamed Cali Al-Xuuti oo kamid ah madaxda Xuutiyiinta Yeman.

7 Abriil 2015-kii  Dawladdii uu Hogaaminayay Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xulufadeeda u ogolaatay in dhulka, badda iyo hawada Soomaaliya loo adeegsan karo weerarrada ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yeman.
30 October 2016-kii waxaa gabi ahaanba la xiray safaaradii Soomaaliya ay ku laheyd Magaalada Sanca ee dalka Yeman kadib markii xuutiyiintu ay gacanta ku dhigeen inta badan Magaaladaasi, waxaana taageero loo muujinayay Dowladda sharciga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Cadan oo Imaaradka iyo sacuudigu ay taageerayaan.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
abdiazizh99@gmail.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada