Daawo Video: Madaxwaynahe Farmaajo “Soomaliland waa Garab Naga Maqan” Muxuuse ka yidhi Dawlada iyo Tukaraq

Daawo Video: Madaxwaynahe Farmaajo “Soomaliland waa Garab Naga Maqan” Muxuuse ka yidhi Dawlada iyo Tukaraq

daajis.com:-  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta Kumanaan QOf kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa mar kale ku baaqay in la joojiyo colaada Tukaraq. “Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo dhiigga ku daadanaya Tukaraq wiil soomaaliyeed ayaa bilaa macne ugu dhimanaya hala Joojiyo”.

Dhinaca Madaxweyanaha ayaa sheegay inay dib u bilaabi doonaan wada-hadalladii Somaliland, Wuxuuna sheegay intay tahay Garab ka maqan Soomaaliya inteeda kale oo aan laga Maarmin.

“Somaliland waa dad walaalaheen ah, duruufo badan iyo dhib badan ayaa soo maray oo laga yaabo inuu na kala qeybiyey, dawladdan diyaar waxay u tahay inay wadahadalladii soo celiso oo si wanaagsan oo run ah oo xaqiiq ah loo wada fadhiisto Soomaaali ma kala maaranto waa dad walaalo…” Ayuu yidhi Madaxwaynaha.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqay inay la shaqeeyaan Dawladdooda oo ay difaaacdaan. “Dadka doonayainay isku diraan  Shacabka Soomaaliyeed iyo Dawladda doonaya waxay rabaan Rabaan Dawlad la’aan, waa inaad gacan siisaan oo garab u noqotaan Dawladda iyo Ciidanka “


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada