Saraakiisha Ciidamada Puntland Oo Ka Warbixiyey Dagaal Ka Dhacay Garoowe

Saraakiisha Ciidamada Puntland Oo Ka Warbixiyey Dagaal Ka Dhacay Garoowe

daajis.com:-Taliska ciidamada xasilinta magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen magaaladaasi iyo sidoo kale dagaal xalay ka dhacay magaalada Garoowe.

Howlgalka ayaa inta uu socday waxay ciidamadu la kulmeen weerar sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Sarreeyo Guuto Muxudiin Axmed Muuse oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena iska difaaceen rag hubeysan oo doonayey in ay ciidanka ka qabsadaan waxyaabihii howlgalka lagu qabtay.

Waxa uu taliyaha sheegay in dagaalkii xalay ku geeriyootey haweeney xabad wiifto ah ugu tagtay hoygeeda sidoo kalena dhanka askarta ay Labo qof ka dhaawacantay.

Taliye Muxudiin ayaa sheegay iney ku raad joogaan cid walbo oo weerarkaasi ka dambeysay, isaga oo tilmaamay in weerarkii xalay ay soo qaadeen dad doonaya in magaalada lagu dhex iibiyo Qamrada iyo Xashiiska.
Ammaanka magaalada Garoowe ayaa habeennadii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey, waxaana magaalada ka dhacay rasaas qaarkeed la ogeyn waxa ay ahayd iyo burcad dhac geysaneysay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada