Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo Geelle oo kulmay iyo Jabuuti oo caddeysay mowqifkeeda heshiiska saddex geesoodka

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo Geelle oo kulmay iyo Jabuuti oo caddeysay mowqifkeeda heshiiska saddex geesoodka

daajis.com:- Dowladda Jabuuti ayaa Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ku ammaantay isbedelada la taaban karo ee uu ku soo dabaalay gudaha Itoobiya iyo guud ahaan gobolka iyo isdhex-galka Geeska Afrika, oo Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay heshiis ka gaareen.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta shir labo geesood ah ku yeeshay magaalada Addis-ababa ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan dalalka Ethiopia iyo Jabuuti iyo waliba mida gobolka.

Ka dib shirka labada hoggaamiye,Wasiirka arrimaha dibaddaEthiopia  Workneh Gebeyehu ayaa u sheegay wariyeyaasha in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Jabuuti ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo isdhexgalka gobolka.

Ra’isal Wasaaraha Ethiopia wuxuu sheegay in Ethiopia ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan, ayuu yiri Workneh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in tan iyo markii Abiy Ahmed loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, uu ku guulaystay inuu bedelo muuqaalka siyaasadeed ee gobolka.

Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu intaas ku daray in Abiy uu yahay runtii horyaalka geedi socodka isdhexgalka Geeska Afrika, taasi oo Jabuuti ay ku ammaantay.

Dhanka kale,Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maanta magaalada Adis-ababa ee caasimadda Ethiopia kula kulmay dhiggiisa Masar Mostafa Madbouly.
Labada hoggaamiye ayaa kullankooda xoogga ku saaray sida lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo iney iskaashi ka sameeyaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Intii lagu guda jiray wada-xaajoodka Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo Mostafa Madbouly waxay dhiiri geliyeen iskaashiga laba geesoodka ah ee lagu gaaray guulaha cusub.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Brothers Group, Published at 00:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Google+ Followers