Sarkaal la dhashay Kaba kudukade oo loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Kaaraan

Sarkaal la dhashay Kaba kudukade oo loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Kaaraan

daajis.com:- Saldhiga Degmada Kaaraan, ayaa waxaa loo magacaabay Taliye cusub, kadib markii xilkii si rasmi ah looga qaaday Taliyihii hore ee Saldhiga Degmada Kaaraan Canjeex.

Canjeex ayaa diiday xil ka qaadista lagu sameeyay, waxaana maalmahan dambe taagnaa muran ka dhashay xil ka qaadista canjeex lagu sameeyay oo soo jiitamaayay.

Ugu dambeyn waxaa Saldhiga Kaaraan loo magacaabay Cabdi Sheekh Ciise Axmed Gacal oo ku magaca dheer Cabdi Kumi, wuxuuna la dhashay Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba Kudukade oo ah Gudoomiyaha Shabaab ee Gobolka Shabellaha dhexe.

Sarkaalkaan oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya ayaa noqonaya Taliyaha cusub ee Degmada Kaaraan, inkastoo Kaaraan ay adag tahay sida uu ula qabsado.

Degmada Kaaraan ayaa waxaa ku badan ciidamo Militari ah oo hab beeleed u abaabulan iyo ciidan aanan ka tirsaneyn dowladda oo hub isaga dhex sita Degmadaasi.

Taliyihii Saldhiga Degmada Kaaraan ee xil ka qaadista hore lagu sameeyay, balse diiday Canjex wuxuu ku sugan yahay deegaanka Gubadleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada