Fanaan caan ah oo codsi yaab leh u diray Madaxweyne Donald Trump

Fanaan caan ah oo codsi yaab leh u diray Madaxweyne Donald Trump

daajis.com:- Pharrel Williams oo ah fanaan u dhashay dalka Maraykanka ayaa ugu baaqay madaxweyne Donald Trump inuu joojiyo isticmaalka heestiisa Happy, taasoo laga ciyaaro isu soo baxyada uu Trump ka hadlo.

Maalinkii sabtida, isu imaatin ka dhacay gobolka Indiana oo uu Trump ka qeybgalay ayaa laga daaray heestaas.

Munaasabadan ayaa la qabtay saacado ka dib markii weerar lagu qaaday macbad Yuhuudda ay leedahay lagu laayay 11 qof.

Pherrel oo warqad soo marsiiyay garyaqaankiisa ayaa sheegay in aysan jirin wax farxad ah oo ku jirta in dad la laayo, Sidoo kale waxa uu sheegay in aanan ogolaansho looga haysan isaga in heesta la isticmaalo.
Garyaqaanka heesaaga ayaa sheegay in Parrel uusan Trump siinin, siina doonin ogolaanshaha isticmaalka heesta oo ah mid xuquuqdeeda ay isaga u illaashantahay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada