Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo gaaray Dhuuso Mareeb iyo ujeedkooda oo…

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo gaaray Dhuuso Mareeb iyo ujeedkooda oo…

daajis.com:-Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa saacadahihii lasoo dhaafay gaaray magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxa ayna ciidankan xarumo ka sameesteen xeryo kuyaala Dhuuso Mareeb.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidankan katirsan Kumaandooska Soomaaliya ay ka tageen xero ay ku lahaayeen magaalada Gaalkacyo, waxaana ciidankan tababaray Mareykanka.

Saraakiisha ciidankan gaaray magaalada Dhuuso Mareeb ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo la filayo in laga bilaabo gobolka Galgaduud.

Madax katirsan maamulka Galmudug ayaa soo dhaweeyay lana kulmay saraakiisha ciidanka Kumaandooska hogaaminaya, waxa ayna labada dhinac iska wareesteen sida macquulka ah ee howlgalada lagu bilaabi karo.

Al Shabaab ayaa maamusha degmooyin badan oo kuyaala gobolka Galgaduud, waxaana marar badan isku dayo lagu doonayay in Al Shababa looga saaro gobolka Galgaduud kusoo dhamaadeen fashil.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada