BF. Shaqaddii Golaha Shacabka oo hakad ku jirta

BF. Shaqaddii Golaha Shacabka oo hakad ku jirta

daajis.com:- Shaqadii Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa hakad ku jirta ka dib markii uu Khilaaf soo gala dhex galay Xildhibaanada qaarkood iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka oo ku aadan kala diristii Guddigii Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Kulamo kala duwan ayaa wali ka socdo Xarunta Golaha Shacabka ,kuwaasoo u dhaxeeya Xildhibaanada qaar iyo waliba Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ku aadan soo Afjaridda Khilaafka inta uusan xoogeysan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa horyaalla dacwad ka dhan ah Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo ku aadan in uu jabiyay Sharciga Golaha Shacabka.

Kulamadii Golaha Shacabka  ayaa istaagtay sababo la xariira Khilaafka ka dhex ka taagan gudoonka Golaha Shacabka.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal oo dalka si deg deg ah ugu soo laabtay ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde, waxaana xildhibaanada labadda dhinac u kala jabay ay u muuqdeen kuwo mida Midka kale uu ka dhaadhicinaayo Mowqifkiisa ku aadan kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada