Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala damacsanaa Buundada Baar Sanguuni oo la qabtay (Sawiro)

Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala damacsanaa Buundada Baar Sanguuni oo la qabtay (Sawiro)

daajis.com:- Wararka ka imaanaya deegaanka Baar Sanguuni ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland ay gacanta ku dhinteen gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay qabteen gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la doonay in lagu burburiyo buundada deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in gaarigaasi loo ekeysiiyay kuwa aanay xabada karin, iyada oo la doonayay in lagu kala jaro buundada deegaanka Baar Sanguuni si ciidamada Jubbaland aysan u helin gurmad.

Arinta ayaa timid kadib markii ciidamada AL shabaab ay saaka weerar ku qaadeen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.
Al shabaab ayaa weerar kubilowday Qarax ka geystay deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada