Ciidanka gadoodsan oo ku hanjabay in Farmaajo iyo Kheyre aysan mukeyf ku raaxeysan doonin

Ciidanka gadoodsan oo ku hanjabay in Farmaajo iyo Kheyre aysan mukeyf ku raaxeysan doonin

daajis.com:- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ballantii uga baxday Ciidamadii gadoodka sameeyey ee ku sugan Magaalada Balcad ee hoos tagto Maamulka Hirshabelle.

Ciidamadaan oo aad u badan isla markaasna ku hubeysan noocyada kala duwan ee Hubka ayaa dhawaan isaga soo baxay Fariisimihii ay ku lahaayeen qeybo badan oo kamid ah Shabeelada Dhexe.

Qaar ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Xoogga Soomaaliya ee gadood ahaan u joogo Degmada Balcad ayaa sheegay inay Dowladda uga baxday ballan qaadkii aheyd inay heli doonaan mushaarkii ka maqnaa mudada afarta bil.

Ballanta ay dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay ciidamadaan ayaa aheyd inay Mushaarkoodda heli doonaan gelinkii dambe ee Sabtidii Shalay aheyd.

Sarkaal la hadlay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shalay ay ku Ekeyd waqtigii ay ku heshiiyeen in DF-ka Soomaaliya ay bixiso mushaarka ciidamada ilaa hadana aysan ka helin wax jawaab ah iyo Xuquuqda ciidamada midna.

Sarkaalka la hadlay Idaacdada Kulmiye ayaa sheegay in wasiiradii ugu yimid Balcad ee kala ahaa Warfaafinta iyo amniga sidoo kalane wakiil ka ahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku heshiiyeen in shalay oo Sabti gelinka dambe ay bixiso Dowladda mushaarka ciidamada iyo Xuquuqda kale.

Ciidamadaan ayaa ku dhawaaqay hadda inay soo geli doonaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si ay u helaan xuquuqdii ay Dowladda ku lahaayeen.

Sarkaalkaan ayaa ku hanjabay inay Muqdisho soo  geli doonaan isla markaasna ay arki doonaan madaxda dowladda ugu sareeyo inay Mukeef kusii raaxeystaan.

Sidoo kale waxay sheegayn in Ciidankaan la diiwaan geliyay 4 bil ka hor ilaa hadana ay ka maqantahay Xuquuqdooda.

Saraakiisha hoggaaminayo ciidamaan ayaa Dowladda ugu baaqay inay ballanta ilaaliso isla markaasna ay xuquuqda siiso maadaama ay sheegeyn inaysan aqbali karin in xuquuqdooda la iska heysto.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga uu Sarkaalkaan bixiyey



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada