Ciidamadii muranka dhaliyay oo laga qaaday Baledweyne, loona daabulay Dhuusamareeb

Ciidamadii muranka dhaliyay oo laga qaaday Baledweyne, loona daabulay Dhuusamareeb

daajis.com:- Xilli Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ay diidanaayeen  Ciidamo u dhashay reer Hiiraan in laga qaado Magaaladaasi loona daabulo Gobolka Galgaduud, ayaa Saraakiisha Ciidamada dowladda waxa ay maanta qaadeen ciidankii uu muranka ka taagnaay.

Ciidamadan ayaa shalay tababar loogu soo gaba gabeeyay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana maanta loo qaaday Magaalada Dhuusamareeb.

Amarka lagu qaday ciidamadaan ayaa warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen inay bixisay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana Taliyaha guutada 5aad ee qeybta27 aad Faarax Cali Waasege oo shalay la hadlayay boqolaal ka mid ah Ciidankaas ayaa sheegay inu fuli doona amarka dowladda islamarkaana Ciidamada la geyn doono halkii ay dowladda amarto.

Ciidankaan ayaa waxaa lagu qaaday gaadiidka waaweyn ee xamuulka ah waxaana qorshaha uu yahay xerada Ciidamada ee Magaalada Dhuusamareeb in la geeyo.

Dowladda Somaliya ayaa waxa ay wadaa qorshe dagaal oo Shabaab la doonaayo in looga saaro deeganada Gobolada Mudug & Galgaduud.
Lama oga tallaabada ay qaadi doonaan Odayaasha Dhaqanka Magaalada Baledweyne ee waayahan diidanaa Ciidamadaasi in la qaado, balse go,aankoodii shaqeyn waayay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada