Dowlada Sacuudi Carabiya oo soo saartay War ku saabsan qorshaha Xajka ee sanadkan

Dowlada Sacuudi Carabiya oo soo saartay War ku saabsan qorshaha Xajka ee sanadkan

daajis.com:- Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudi Carabiya oo wareysi siiyey telefishinka dowladda ayaa dhammaan dadka Muslimiinta ah ka codsaday inay hakiyaan qorshahooda Xajka ee sanadkaan illaa inta laga xaqiijinayo saameynta cudurka Coronavirus ee adduunyada ku faafayo.

Wasiirka Arrimaha Xajka iyo Cumrada, Dr. Maxammad Saleh bin Taher Benten ayaa sheegay inay mudnaan koowaad siinayaan badqabka qof walba oo soo booqanayo Xaramka Allah, wuxuuna xusay inay Sacuudiga mar walba diyaar u yihiin inay qaabilaan isla markaasna ay u adeegaan Xujeyda.

“Sacuudi Carabiya ayaa imika daryeel siinaysa 1,200 oo qof uu cumara u tagay kuwaasi oo aan dalkoodii u laaban karin, sidoo kale waxaan lacagaha u celinaynaa dadka la siiyay dal ku-galka Cumrada, balse aan cumraysan,” Benten ayaa sidaasi u sheegay telefishinka al-Ekhbariyah.

Qiyaastii 2.5 Malyan oo Xujey ah oo ka kala imaado adduunyada ayaa sanad kasta tago dalka Sacuudiga iyagoo booqasho ku kala tagayo goobaha ugu wanaagsan ee Islaamka ee Makka iyo Madina si ay u gutaan waajibka Xajka oo sanadkii halmar waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah oo awoodo.

Isu imaatinka ugu weyn ee muslimiinta ayaa loo qorsheeyay in uu bilowdo dabayaaqada bisha Luulyo, laakiin cudurka faafa ee coronavirus ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan suurtagalnimada in sanadkaan Muslimiinta loo ogolaado inay Xajka gutaan maadaama cudurka Corona Virus uu kala xiray Adduunyada dhan.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa horay u hakisay Acmaasha Xajka illaa waqti aan la cayimin, waxaana sidoo kale la hakiyey dhammaan duulimaadyadii rayidka ahaa ee soo gaari jiray Sacuudiga iyadoo ay weliba xusid mudan tahay in asbuucii lasoo dhaafay la joojiyey isku socodka dadweynaha ee magaalooyinka qaar sida Makka iyo Madiina.

Dowladda Sacuudiga ayaa lacago badan oo ganacsi ah ka sameyso Xajka, wuxuuna laf dhabar u yahay qorshayaasha lagu ballaarinayo tirada dadka soo booqda ee hoos imaanaya ajandaha dib-u-habeynta Amiir Maxamed bin Salmaan.

Joojinta Xajka ayaa noqon doonto mid aan horey loo arag  waqtiyadan casriga ah, laakiin joojinta imaanshaha goobaha halista badan ayaa horey u jirtay, waxaana ugu dambeeyey xilligii uu dillaacay cudurka Ebola.

Sacuudiga ayaa  sheegtay inay heshay 1,563 kiis oo cudurka Coronvirus ah iyadoo ay cudurkaas u dhinteen illaa 10 qof.

800,000 qof ayuu ku dhacay cudurka Caronavirus dhammaan adduunyada oo dhan, waxaa u geeriyooday illaa 38,000

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada