Magacyada:- Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen ee golaha wakiilada Somaliland oo la shaaciyey

Magacyada:- Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen ee golaha wakiilada Somaliland oo la shaaciyey

daajis.com:- Isbahaysiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey xildhibaannada ay ku heshiiyeen inay noqdaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, kaasi oo loolankiisa uu socday maalmihii u dambeeyay.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada Waddani iyo Ucid, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa isku raacay in guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland uu qaato xisbiga Waddani, halka labada kuxigeen ayagana la siiyey xisbiga Ucid.

Waxay arrintaan imaneysa shirar isdaba joog ah oo socday maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay xisbiyada mucaaridka kal hore ku kala baxeen xilalkii golaha deegaanka ee maayirada iyo ku-xigeenadooda.

Hoos ka aqriso magacyada mudaneyaasha loo doortay guddonka golaha wakiilada;

1. Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed = Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaa laga soo doortay gobolka Sool – xisbiga Waddani.

2. Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax = Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha, waxaa laga soo doortay gobolka Sanaag – xisbiga Ucid.

3- Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil = Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha, laga soo doortay gobolka Awdal – xisbiga Ucid


Isbaheysiga xisbiyada mucaaradka ayaa meesha ka saaray in xisbul xaakimka Kulmiye uu xilal muuqda ku yeesho golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee Somaliland, oo aqlabiyada u badan ay lahaayeen mucaaradka.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada