Dhacdo Layab Leh - Gabar Soomaaliyeed oo Halmar Guursatay 4-nin.

Dhacdo Layab Leh - Gabar Soomaaliyeed oo Halmar Guursatay 4-nin.


Waxaa lagu jiraa qarnigii 21aad iyadoo hablaha Soomaaliyeed kuwooda usoo haajiray qurbaha ay la imaadeen qaarkood dhaqamo naxdin leh oo maalinba maalinta ku xigta kaa yaabinaya waxana dalka Koofur Africa oo ka mid ah dalalka hormaray lagu arkay haweeney Soomaaliyeed oo 30 jir in ay hal mar isla guursatay 4nin oo laba ka mid ahaa Saaxiibo yihiin.

Haweenaydani ayaa waxaa fashiliyey sheekadeeda daahsoon sheekha mehriyey kaasi oo isku dhufsaday xisaabad dabadeedna waydiiyey su’aal ahayd adiga afar bil gudaheeda ayaa sedex nin kugu mehriyey ee cududa ma tirsatid miyaa.

kolkasi ayay bilaawday in ay indhaha meer meeriso wuxuuna sheekhii dib u baaray buugaagtiisa iyo magacyadii ragii hore dabadeedna wargeliyey ragi hore wixi dhacay.

Sheikha oo gudanaya waajibka Saaran ee ah in uu suuliyo munkarka ayaa u yeeray wax garadka magaalada iyo ehelada gabadha iyo afarta nin kuwaasi oo garta ku jiray in kabadan todobaad markii danbe la go’aamiyey.

Ragani oo laba ka mid ahaa Saaxiibo ayaa ku kala tagay markii ay soo baxday sheekadani waxana labada kale oomidkood ahaa ganacsade jeeb weyn laga fujin waayey in ay iyaga sii dhaqdaan xaaskooda oo amaan badani usoo jeediyey.

Haweenaydani oon la kulmay ayaa ii sheegtay in aysan iyada sabab u ahayn wixii dhacay balse raga markii ay ku dhahday waa la iqabaa ay iyaga been sadeen isla makrana sidani ku qancay.

Go’aanka ugu danbeeya oo kasoo baxay gudigani xal doonka ahaa ayaa lagu sheegay in afarta ninba ay furan naagta iyadana ay hadda wixii ka danbeeya ay ku ekaato hal qof.

Waa dhacdo murugo badan waana tan kaliya ay hadal haayaan Soomaalida ku dhaqan magaalada Cape Town gaar ahaa degaanka Mitches Plain oo ah meesha sedexaad oo ay Soomaalida ku badan tahay.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada