AC Milan Oo Dooneysa Inay Iska Iibiso Robinho Ka Dibna Ay San Siro Geyso Mario Balotelli.

AC Milan Oo Dooneysa Inay Iska Iibiso Robinho Ka Dibna Ay San Siro Geyso Mario Balotelli.


AC Milan ayaa u soo bandhigi doonta Mario Balotelli wado uu kaga soo baxsado Manchester City hadii ay iska iibin karaan Robinho inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga, sida ay qortay Daily Mail.
Balotelli ayaa ah mid suuqa saaran ka dib markii uu soo maray sannad uu kiciyay arimo badan oo muran ka dhaliyay garoonka dhexdiisa iyo banaankiisa.
City ayaa haatan wajaheysa dagaalka ah inay iska fasaxaan 22 jirkaan iyagoo ku iibin kara lacag ku dhow 20 milyan ginni laakiin kooxda Talyaaniga ee Milan ayaa la fahamsan yahay inay marka hore u baahan yihiin inay ciyaartoy iska iibiyaan ka hor inta aysan u dhaqaaqin Super Mario.
Waxa ay durbaba ka iibiyeen weeraryahanka reer Brazil Alexandre Pato kooxda Corinthians, Robinho ayaana haatan ka hortaagan inay u dhaqaaqaan Balotelli.
28 jirka Robinho oo isagaba 18 bilood oo dhibaato wadata ku soo qaatay Etihad Stadium intii u dhaxeysay August 2008 ilaa Janaayo 2010 ayaa isna ka dhacaydooqa  San Siro waxaana kooxda Rossoneri ay dooneysaa inay iska iibiso.
Hadii ay iska iibiyaan, waxaa raaci doonta inay dalbadaan Balotelli, inkastoo madaxweynaha kooxda Silvio Berlusconi uu ku tilmaamay tufaax dhexda ka qurmay bilowgii isbuucaan.
Iyadoo weeeraryahanka reer Argentina Sergio Aguero uu la dhibtoonayo dhaawac, Balotelli ayaa la filayaa inuu ciyaaro kulanka Arsenal ee Premier League.


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada