Wakiilka Ashley Cole Oo U Duulay Spain Isagoo Wadahadal La Galaya Kooxda Real Madrid.

Wakiilka Ashley Cole Oo U Duulay Spain Isagoo Wadahadal La Galaya Kooxda Real Madrid.


Wakiilka Ashley Cole ayaa u duulay Spain iyadoo lagu soo waramayo inuu kala hadlayo Real Madrid suurtogalnimada ay kula wareegaan daafaca Chelsea sida aan ka soo xiganay Daily Mail.
31 jirkaan ayaa qandaraaskiisa uu dhacayaa xagaagan, sida saaxiibkiisa Blues Frank Lampard waxaa loo sheegay inaan qandaraaska loo kordhin doonin.
Cole ayaa indhaha ku haya inuu ka ciyaaro Spain Real Madrid ama Barcelona inkastoo ay xiiseyneyso kooxda lacgata badan ee Paris Saint-Germain.
Tababaraha kooxda PSG Carlo Ancelotti ayaan qarsanin jacelka uu u qabo Cole. Labada nin ayaa ku soo wada shaqeeyay Stamford Bridge, waxaana laga yaabaa inay midoobaan xitaa haddii Cole uu doorto inuu u dhaqaaqo Spain.
Ancelotti ayaa haatan cadaadis badan ku hoos jira waxaana laga yaabaa inuu xagaaga qabto Real Madrid. Tababaraha Talyaaniga ayaa ku jira liiska tababarayaasha u sharaxan inay Jose Mourinho ka bedelaan kooxda Los Blancos.
Sir Alex Ferguson ayaa isaga laftiisa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu si xor ah kula soo wareego Ashley Cole iyo Frank Lampard xagaaga, isagoo doonaya inuu qibrad ku soo kordhiyo kooxdiisa Manchester United.


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada