Fanaan Caydruus: Hanuuniye Haka Xishoodo Dumaashidiisa Farxiya Fiska

Fanaan Caydruus: Hanuuniye Haka Xishoodo Dumaashidiisa Farxiya Fiska


Fanaanada caanka ah Farxiya Fiska ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay la aqal gashay fanaanka dhawaanahaan lagu xamanayay ee Caydruus Haleeyay kaasi oo ay ku qabsatay ka dib fashilki guurkeedii hore ee al-fanaan Bashiir Hanuuniye .
Waxa ayna bogeedu rasmiga ah Facebook ku shaacisay in xaas u tahay Caydruuus oo in muddo jaceyl ay soo wada jiliyeen , iyadoo hees ay habeenkii koowaad ee sanadkaan wada qaaden iyada iyo gacaliyaheeda ku soo qortay sida tan Aniga iyo Mataankayga, Oo habeenkii sanadka cusbaa si live u qaatnay Hees ay iska leedahay Allah unaxariiste Boqradii codka Magoole.. Waxaan jecleestan taageeradayda aan usoorta galin habeenkaa inay heestaa maqlaan, inaan internetka ka dhageysiiyo.
Waxaa sidaan haatan ku damaya daagal faneedkii kala dhaxeeyay ninkeedii hore ee Bashiir Hanuuniye kaasi oo heeso kululeysi ah ay hawada isu soo marinayeen in muddo .
Warar hoose ayaa sheegaya in odayga cusub ee Fiska Caydaruus uu xariir la sameeyay ninkii hore ee Fiska alfanaan Bashiir Hanuuniye uuna ka codsaday in uu joojiyo heesaha loo micneysan karo in Fiska ku socdaan , uuna iska iloowo waxii hore ee dhex marayna isla markaan uu xasuusta giliyo in haatan ay ka safato horyaalka saaxbkiisa Caydaruus.
Guurkaan Fiska ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan iyadoo qaarkood leeyihiin Fiska wax ay ugu qabsatay Halyeey ay tahay ka maseersiin Hanuuniye iyadoo markii sidaas loo furayba ku qabsatay laacibkaan halka kuwa kalana leeyihiin jaceyl ayaaa dhex maray.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada